Ugu horeyn waa maxay Amniga Qaran?
Amniga qaranka, ama difaaca qaranku, waa amniga iyo difaaca dowladnimo qaran ah, oo ay ku jiraan muwaadiniinteeda, dhaqaalaheeda, iyo hay’adaheeda, taas oo loo arko in ay tahay waajibaadka dowladda. Asal ahaan waxaa loo maleeyaa in ay tahay ilaalinta ka hortagga weerarrada milatariga ee dibada kaga yimaada qaran, balse amniga qaranka ayaa si ballaaran loo fahamsan yahay in ay sidoo kale ku jiraan dactarooyinka aan milateri ahayn, oo ay ka mid yihiin ammaanka ka yimaada argagixisada, yareynta dembiyada, sugnaanta dhaqaalaha, amniga dhaqaalaha, amniga tamarta, amniga deegaanka, sugnaanta cuntada, iyo amniga internetka. Sidoo kale, khataraha amniga qaran waxaa ka mid ah, marka laga soo tago ficilada ay sameeyaan dawladaha kale ee dalalka kale, tallaabo ay ku dhaqaaqaan jilayaasha rabshadaha wata ee aan dawliga ahayn, ka ganacsadayaa mukhaadaradka,suuqyada madow, adoonsiga casriga ah,tahriibiyasha iyo shirkadaha caalami ah ee daldalanaya si aan sharci ahayn kheyraadka qaran, iyo saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah.
Sideedaba Qaran wuxuu ku tiirsan yahay tiirar kala duwan oo ay ka mid yihiin:
a) Siyaasadda
Haddii aynu falanqayno dhinaca siyaasada ee Somaliland waa meelaha aaney ka korin oo la odhankaro waxaa ragaadiyey xisbiyada oo aan ahayn kuwo ay hogaanka u qabteen kaadiriin barbaariya ama soo saara kaadiriintii xisbiyada siyaasada balse waxay soo saareen doqon siyaasadeed hunguri siyaasadeed iyo kuwo ku liitada curinta Istiraatijiyada qaran oo lagu horumarinayo dhamaan kaabayasha hawlaha qaranka.
b) Dhaqaalaha
Dhaqaaluhu waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee jiritaanka qaran amaan ah, hadii aynu taxliilino Somaliland oo ah dal yar oo aan aqoonsi haysan faqiirna ah caalamkuna aanu u hagar bixin,waxaa kobaca dhaqaalaha carqalad ku ah Doqon iyo hunguri kuwaas oo kelifa in miisaaniyada qaranka 70% in ka badan lagu damiyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee ay abuuraan siyaasiinta Doqonka ah iyo Kuwa hunguriga waana kuwo aas aas u ah dib udhaca dhinaca dhaqaalaha ee somaliland.
c) Awooda Ciidamada Qalabka Sida
Awoodaha milateri waa kuwo astaan u ah dawlad haybad leh oo lagaga baqdo ama aan si dhaqso ah loogu soo dhiiran Somaliland waxay lee dahay ciidamo qaran oo naftood hurayaal ah dalkoodana sugay amniga guud iyo kan gaarba,balse waxay u baahan yihiin in laga difaaco doqonka iyo hunguriga kuwaas oo mar walba isku dayaya iney fikir qaldan ka dhaadhiciyaan iskuna dayaan iney kala furfuraan ciidamada qaranka inkasta oo ay kuguul dareysteen in badan.
Sida aan u arko waxaa jira sababo muhiima oo hada dawlada somaliland looga baahan yahay in ay dib uga fikirto amniga qaranka dawladu iyada ayaa masuul ka ah amniga qaranka ee dhinacyada siyaasada,dhaqaalaha,difaaca iwm.
Waxaa arkeysaa Doqon iyo Hunguri oo u hanjabaya dawladii,dawladnimadu waa astaanta muwaadinkasta ninkii u hanjabo dawladnimadayada waa in uu helaa waajibaadkiisa, waana in shuruucda dalka la ixtiraamaa ma jiro muwaadin,kooxo ganacsato ah,xubin baarlamaan,shaqaale dawladeed oo u hanjabi kara qaranka,shuruuc soo saari kara mateli kara qaranka oo aan ahayn hayadaha loo idmadey wixii intaa dhaafsiisani waxaa shaqadooda qabsanaya hayaha loo idmadey.
Haba beryahan dambe waxaa aad moodaa in Siyaasi nacas ah iyo mid Hunguri wado ay saaxadii masraxa siyaasada ee Somaliland ku soo badanayaan,taana waxaa lagu dabiibi karaa dhisida iyo hawlgelinta siyaasada amniga qaranka loo si fiicaan loo hawlgeliyo shuruucdeeda hayaheeda kor uqaadida tayadeeda iyo casriyeenteeda teknoolajiyada ay ku hawlgalayaan hayadaha ilaaliya abniga qaranka.