AXMED JAMA MUWAADIN RAADINAYA CADAALAD WAXYAABAHA KU XEERAN

Tani waa sheeko xiisabadan oo muujinaysaa waxyabaha ka qaladan cadaalada Somaliland ee dhinacyada Maamulka guud ahaan iyo sida ay dhibaato weyn u haysato muwaadininta reer Somaliland ee lagu haysto dhulkooda sida dhulbeereedka iyo dhulka kale ee jagooyinka IWM.

Sheekadani waxay markhaati ka tahay baadaxa ay leedahay dhibaatada ka dhalata isku qabsiga dhulbeereedka taas oo aad moodid in dawladu ka gaabisay siyaasad cad oo ku wajahan arintan iyo celida gudi madaxbanaan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh baadhista xog ururinta iyo sharci marinta kooxo hantilayaal ah oo maalgeliya dadka dadka kale ku qabsada dhulkooda.

Arimahaa waxaa ka dhasha in laysku dilo dadna ay ku dhintaan arimahan sida dhacdo bishan horaateedii ka dhacdey deegaan laga xukumo degmada Daarasalaan oo qof ku dhintey arin la xiriirta beero IWM.

Guud ahaan dhibaatada dhulka haday tahay jagooyin iyo hadeytahay dhulbeereedba waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka taagan deeganada Somaliland una baahan in si degdega dawladu ugu soo jeesato waxna looga qabto.

Balwaxaan is dultaagayaa sheeko xiisabadan oo ku saabsan arin mudo badan socotey oo Muwaadin reer Somaliland ahi ku raadinayey cadaalad balse mar walba uu la kulmayey ila meereyso ah oo aad moodo in la soo gaadhay wakhtigii la tilmaami lahaa cida ay tahay in ay in lagula xisaabtamo masuuliyadeeda dadka reer Somaliland lala wadaagi lahaa wax inaga qaldan ee dhamaanteen mudan in aynu u hiilino cadaalada Allah swt wuxuu jecel yahay cadaalada neftiisana wuxuu ka xarimay cadaalad darada inaga waa uu inaga xarimay.

Axmed Jamac Adhibadane waa muwaadin Somalilander ah oo beeraley ah oo degen Baahiyaale iyo Magaalada Hargeysa waa nin aad u firfircoon oo shaqeysta Engineer guryaha dhisa ah sidoo kale wuxuu masuul ka yahay Beertii Aabihii oo ku taala Deegaanka basahiyaale halkaasi oo uu degaan ku yahay Sida ay Ila xogogaal ahi ii xaqiijiyeen Abihii Allah (swt) wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee Degaankaasi beertu ku taalo ka Qodey Berked roobku biyeeyo oo laga cabo taasi qof walba oo degaankii hore ee halkaasi degi jirey wuu kuu sheegayaa in mudo dheer uu Jamac Adhibadane wuu halkaas deegaan ku ahaa ka hor xasuuqii 1988 ee Dawladii Siyaad Bare kula kacdey dadka reer Somaliland kolkaas oo dhamaan dadkii deegaanada Somaliland ka qaxeen dhulkoodii sida cid walba la socoto Jamac Adhibadanena wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qaxay dhulkoodii waxaa kale oo Reer Jamac Adhibadane ka mid noqdeen dadkii dhibaatadu ka soo gaadhey xasuuqaa ka dib Markii Hooyo Cosob OdowaaAllah(swt) ha u naxariistee oo ahayd hooyada reerka Axmed Jamacna ahaa Guri dambeyskuxigeenkii qoyska Gantaal la eegatey mid ka mida diyaaridii xasuuqa ee Siyaad bare.

Hadaba Markii Wadanka la xoreeyey ee dib loogu soo noqdey waxaa bilaabmey isbedel guud oo qaabkii nolosha ee reer somaliland ku yimi taas oo ay ka mid yihiin in qof walba halkuu doono uu dego oo xitaa xafiisyadii dawlada.schooladii,iyo guriyihii dawlada iyo kuwii xitaa qaraabada ee dadkii qaxay ay dagaan dad kale oo si kumeel gaadha u degey beeruhuna waxay ka mid ahaayeen meelahaasi ay dadka aan lahayni iska degaan oo qaraabonimo,ama garasho kaleba ay u dagaan amaba ay iska dagaan maadama dadkii lahaa aaney soo degin.

Sida Markhaatiyaal badani cadeeyeen Beertii Jamac Adhibadane Waxa dhex Degey nin ay qaraabo yihiin iyo dadkale Markii dadkii degaankum ay weydiiyeena ee yidhaaheen waar beertii Jamac Adhibadani miyaaney ahayn meeshan aad degtey yidhi waa Abtigey oo Waan u Ilaalinayaa.

Mudo ka dib Hadana waxaa uu yidhi ii ilali buu yidhi waxaa ku xigtey in hadana ninkii yidhaahdo qayb buu i siiyey

Sida xaaladu u socotey waxay Martey marxalado kala duwan:

1- Marxadii Duulaanka iyo Dhul daaqsimeedka

Bishii July 2019 ayaa waxaa dhacdey in koox raga oo ka miyi magaalada Hargeysa iyo kuwo kaga soo biirey deegaanka beertu weerer ku soo qaadeen Beertii Jamac Adhibadane oo ay kolkaa ku sugnaayeen dhalinyaro uu Axmed Jamac u soo direy iney beerta ha beeyaan si dib u beerid loogu sameeyo kooxdani intey la dagaalameen ragi beertooda ku sugnaa oo ay dhaawacyo gaadhsiiyeen ayey waliba police darasalaam tageen oo ay dacawad ka geeyeen ay lee yihiin dhulkii daqsimaadka ahaa ee reeruhu noo degenayeen ayey rag ku soo duuleen oo beero ka sameysanayaan.

a) Policekii Degmada Daarasalaam intey u yimaadeen inamadii ayey Xadhig ugu dareen gardaradii lagu soo weerarey iyada oo xitaa dhakhtar la geyn kuwii dhaawaca ahaa

b)Marxamada Degmada Daarasalaam arintii go’aan ayey ka soo saartey ka dib markii ay dhageysatey baadhay tagtey goobtii aragtey xaqiiqadii waxay inamada u soo celisay xoriyadoodii waxayna cadeysey in dhulkani yahay dhulbeereed oo aanu ahayn dhuldaaqsimeed.

2- Marxaladii Ku dacwoodida lahaansha beerta Beer

Ragii ku doodayey Dhuldaasimeed ayaa la roo weerarey ee ku dhaartey magaca Allah(swt) in meeshu tahay dhul ay xooluhu u daaqaan oo dhulbeereed aaney ahayn waxaay ka dib ku doodeen in ay tahay Beer uu aabahood uga dhintey oo dhaxal ah, Arintaasi waxay ku tusaysaa sida aad kolba wax aad doonto ugu hadalyso oo weliba sharciga kortiisa aaney jirin cid xaqdarada qabataa iney jirin taasina ay ka mid tahay dhibaatooyinka u baahan xalka degdega.

3- Marxaladii dabka qabasiinta Beerta

Waxaa jirtey markii malaha lagu yidhi waar soodinkii shaley lahaa waa dhul daaqsimeed oo xoolahaa noo daaqa ee beer ma aha waxay istustey iney xoog u dagaasadaan si ay reerku uga qaxaan oo waxay dab qabadsiiyeen intey baasiin ku shubeen meeshee reerku yaaley waxaane isku dayeen iney reer Axmed Jamac Halisgaliyaan naftooda iyo xoolahooda,beertii Aabihii.

Axmed Jamac Adhibadane Beerta Waxaa uu wakiil uga yahay dhamaan Wallaaladii waxaana uu inbadan isku dayeen in arintan xal lagu dhameeyo waxaa marar badan galey gudiyada deegaanka iyo maamulka degmada Daarasalaam

Sida ay cadeenayaan heshiisyada la kala saxeexday iyo go’aamada kala duwan ee laga gaadhey arintan mar walba waxaa ka baxaya heshiiska sharciga ah oo aaney wax tixgelin ah siineynin dhinaca kale.

4- Weerarada iyo hanjabaadaha Joogtada ah

5- Ka bixida heshiiskasta oo la galo

ugu dambeyntii waxaa u arkaa cadaalad uu helo muwaadinkani (Axmed Jamac Adhibadane) waa mid waajib ku ah dawlada Somaliland iyo degaanka Degmada Daarasalaam Maamulka Gobolka Maroodijeex tani waxay dan u tahay danabda kuwada noolansha bulshada iyo in nin walba uu xaqiisa la dhowr labada dhinacba. Balse dhinaca kale ee ku haysta Beerta markaa darsay doodooda Gaar ahaan tan Maxakamada Degmada Daarasalaam waxay u eeg tahay Ku Qabso ku qadimeyside Waayo Qof Allah ku dhaartey in meeshani tahay Dhuldaaqsimeed oo aaney beerba ahay sidey macquul u tahay inuu hadana yidhaahdo waa Beer Dhalax ah oo aanu waligayba lahay,Markaa u Fiirastid dooda Axmed Jamac adhibadane Markhaatiyada uu hayso in meeshu ahayd Beertoodii oo uu xitaa inankii ugu yaraa dadkii doodaa ka qaybgaley uu cadeeyey Maxakamada Horteeda Iney tahay Beertii Awoowgii maxaa hadhay oo cadeemo ah oo loo bahan yahay.

Dhamaan waxaa aan gacanta ku hayaa heshiisyadii iyo go’aankii maxkamada iyo qiraaladii dhinayada kale cadeymahan waxaa ka soo xigtey Aqooyahan Sare Maxamed Jama Adhibadane oo ah ninka reerka ugu weyn degena Cariga UK waana Aqoon yahan kaalin weyn kaga jira Jaaliyada Somaliland ee Yurub ka mida Siyaasinniinta Xisbiga Tory party UK

Waa diyaariyey

Cali Yuseen UK