Baroortu Bad baa La Kireynayaa ka weyn

Somalidii Konfureed hadii ay noqdaan Culimadii,Siyaasiintii,Dhaqankii waxaad moodaa iney ku khafiifeyn arinta isfahanka heshiiska bada ee Somaliland iyo Itoobiya. Arintani waxay kashiftey waxyaabo badan oo aan kashifmeen dhibaato weyna ku ahaan lahaa Qaranimada Somaliland waxaa ka mida:

1- in aaney Culimada Somaliyeed qaarkood ahayn dad lagu haleyn karo umada islamka ,yihiina kuwo aan lahayn masuuliyada sheekh Waayo Culimada ina leh dhul baa la qaatey oo itoobiya qaadatey ma run bay sheegayaan mise been? jawaabta dadka wax garanaya ayaan u deenayaa.

xitaa hadii dhul la bixinayaa jirto soo may ahayn in ay kala hadlaan,oo u naxteexeeyaan cida ay khuseyso,ma inta lagu shiro meelo kale ayaa dagaal la xilaamiyaa, dad muslin ah oo somaliyeed la ag lagaadeeyaa. Calimka sheekha dhabta ahi waa ka ka shaqeeya mideynta muslimiinta, sheekh mar reer ah, mar ganacsade ah, mar siyaasi ah hana aan wax kheyr ku jiro iyo isku soo dhoweyn dadka somaliyeed aan ka shaqeeneynin soo ma aha mid Allah swt ka shifayo oo Alle dadkiisa tusayo wejiga dhabta ah sheekha qaloocan.

2- Siyaasiinta Somaliyeed ee ku kicinaya dadka reernimo leh badbaa la qaatey muxuu uga danlee yahay in uu war aan jirin uu ku dagaal geliyo dadka dhibaatada ka dhalata iyo burburka ka yimaada ayaa masuuliyadeeda leh?

3- Madax dhaqameedka caytamaya dadka isku dirayaa maxay u kicinayaa dadka?

Xaqiiqadu sida ay tahay dhul la bixiyey oo itoobiya la siiyey ma jirto,lamana bixinayo cid kastaba way og tahay hashiiskuna waa isfahan uun. Lakiin arinta meesha ku jirtaa waxa beenta sheekh,madax dhaqameed, siyaasi miyirkii uga tegey waa ereyga Somaliland baa la aqoonsanayaa sheekhu wuxuu beenta u sheegayaa waa taasi.

Culimada,siyaasiinta iyo dhaqanka qiirada beenta ah iskugu jiibinaya waxaa aan lee yahay sidaan aad wadaan ma aha si guul lagu gaadho waxay la mid tahay qar iska tuurkii maxkamadii Islamiga ee 6 bilood Konfurta Somaliya (muqdisho) xukumayey ee Itoobiya yidhi waanu ku duulaynaa hanjabadii ay keen tay in itoobiya muqdisho ka saarto maxkamadiina baaba aan.

Hadaba laba wado ayaa idiin furan:

1- dawlada federalka ee Somaliya u soo jeediya iney Somaliland Aqoonsato ileyn laba dal oo midobey baynu ahane hadii Somali jaceylku dhab idinka yahay oo aad dhul Somaliyeed ka fikireysaa.

2- Somaliland Itoobiya ayaa aqoosaneysa e faraha ka qaada,reer Somaliland way ku filan yihiin in dhulkooda,diintooda,dhaqankooda difaacdaan itoobiyana xoog wax ay kaga qaadeysaa ma jiree.