Somaliland 32 Sano iyo geedi Socod dhinaca horumarka ah Qaybta 1 aad

Waa maxay taariikhdu?

Maxaa ay tariikhdu muhiim u tahay?

Taariikhduna waa aqoonta iyo barashada wixii la soo dhaafay. Waa sheekadii hore ee la soo maray, waana nooc ka mid ah xusuus wadareed. Taariikhdu waa sheekada cidda aynu nahay, iyo halka aan ka soo jeedno, waxayna suura gal tahay inay muujisato halka aan ku socono.

Sidaa darteed in aynu ka dhigano halbeeg taariikhda haddii aynu soo marey waxaynu garan karnaa halka aynu u socono sidaa darteed waxay ii tahay muhiim in aynu isa xusuusino wixii aynu soo marey si aynu u garano halka aynu joogno iyo halka aynu u socono,sida aynu u fahano arintan waxaa aynu xoga saareyneynaa 3 arimaha :

  1. Somaliland 32 Sano ee La soo dhaafey maxaa qabsoomey
  2. Dhisme Qaran Bilow ah

Somaliland taariikh ahaan waa dal leh taariikh dheer oo soo jireena oo ka soo bilaabmaya kumanaan sano, balse maqalkan waxaa aan ku soo koobayaa taariikhda kooban ee Somalilandta cusub.

Somalilanta Cusubi waxay ka soo bilaabmaysaa bilowgii sanadkii 1991. Go’aankii ka soo baxay golahii wada jirka ahaa ee Shirkii Burco kaas oo ay hagayeen waxgaradkii Somaliland oo ka koobnaa:

  1. Ururkii SNM golayashiisii kala duwanaa
  2. Golihii Guurtida ee wakhtigaasi
  3. Odayaal dhaqameedkii beelaha kuwada mideysaan British Somaliland Protectorate
  4. Ganacsatadii,Haweenkii,Culumadii iyo aqoon yahanadii British Somaliland Protectorate

Shirkaa waxaa lagu go’aamiyey 18 May 1991in Somaliland dib ula soo noqtey Dawladnimadeedii ay kula midowdey Somalidii talynagu gumeysan jirey 1 July 1960.

Arintani waxay ahayd go’aan Dahabiya go’aan yimi wakhtigiisii sax ahaa mudan in dhamaan dadkii aasaaska u ahaa lagu xuso tariikhda Somaliland.

Waxay mudan yihiin in abaalgud qaran la siiyo dhamaan dadkii shirka Burco ka qaybgalay qoloyiinkii hoggaanka u ahaana lagu abaal mariyo abaal marin heer caalami ah.

Fiiro Gaara:

Dawlada Somaliland waxaa aan u soo jeedinayaa in Goobtii Shirkaasi ka dhacay ee go’aankaasi lagu gaadhay in dib dhis lagu sameeyo hall shirarka lagu qabto laga dhiso , standard caalamiya leh laguna kaydiyo taariikhdii iyo dadkii shirkaasi hagayey iyo ka qayb galayashii(the Great Assembly of Burao) sawiradooda iyo taariikhdooda lagu keydiyo.

…………

La soco qaybaha dambe