Khatarta Xasilooni darada Laga wado geeska Afrika waa mid u baahan in si wadajira looga qayb qaato sabahan jira awgeed:
1- Waxaa cidna ka qarsooneyn in kooxo kala dan ahi qayb ka yihiin dhibtan laascaanood tahayna shirqoon qorshaysan oo ku talo gal ah arintan waxaa cadeyn u ah:
a) Shirkii Qaarka mida madax dhaqameeda Beesha Dhul bahante iyo kooxaha hubeysan uga furmay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka dawlada degaanka Somalida Itoobiya
b) Shirkii Jaraaid ee uu Qabtey Garaad Jamac uu kuna Sheegay in ay arimahan ka tashanayeen mudo 6 Bilood ah inta uu qiretey
c) Dagaalka ay dawlada federalka ahi kula jirto argagixisada ka dib markii laga bara kiciyey goobahay ka talinjirey taasina ay keentey iney raadsadaan meelo kale ayey Lascanod u xusheen sidey qabaan xeeldheerayaal dhinaca nabadgelya iyo dagaalada aqoon sare u leh
c) Puntland oo qaab beeleysan u sheegata Lascanod ayaa iyaguna qayb ka ah
d) Kooxo magacyo kala duwan wata ayaa iyagana qayb ka ah sida Khaatumo, SSC iwm
e) Siyaasiin ,Cuqaal,kala duwan oo Beesha Daarood ah oo ay ka mid yihiin Farax Macalin Kenya, Maxamed Cabdilahi Farmaajo,Karaash, Camey iyo Kuwo Kale ayaa iyaguna qayb ka ah si qarsoon iyo si muqataba
f) Ganacsato,xubno qurba joogayaal ah oo abaabulan kuna urursada dhaqaale iyo tageerayaal kale oo ay ku jiraan suxufiyiin iyo kuwa ku xoogsada baraha bulshada ayaa iyaguna qayb ka ah kicinta iyo abaabulka iyaga oo abuuraya is nacayb bulshada Somaliyeed ah.
2) Waxaa Cidina ka qarsooneyn in xoogag iyo dawlado tartan ka dhaxeeyo ay saameyn ku lee yihiin arinta laascaanood khuburo dhinaca siyaasada iyo Taxliilinteeda aqoon durugsan u lahi waxay xiligan u arkaan qaarkood in heshiiskii Mareykanka iyo Somaliland ee uu ansaxiyeyey madaxweynaha Mareyka iyo labada aqal ee Mareynkanku uu saameyn ku yeeshay arinta lagu khalqal gelinayo Abniga Qaranka Somaliland oo dalal u arka in aaney dantoodu ku jirin heshiiskani ay taageero dhan walba ah u geesanayaan unugyo ay ku dhex abuurteen bulshada reer Somaliland kuwaas oo wakiil ka ah dalal shisheeye oo aan uga soo horjeeda is fahanka soo kordhaya ee reer galbeedka iyo Somaliland dawladeeda.

Petercorless / Wikimedia Commons (CC BY 2.5)
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in ay caalamku indhaha ku hayaan duulaanka lagu soo qaadey nabada Somaliland iyo qaranimadeeda taas oo si aan u kala hadhlahey dad badani wadaan isku dir iyo iska horkenida dadka wada dhashay ee ku wada nool Gobolka Sool iyo guud ahaanba Somaliland.
Sida xeel dheerayasha arimaha abniga ee Somaliya ay qabaan kacdoonka laga abuuray ma aha mid guuleysan doona sababtuna waa:
i) Waxaa loogu wanqaley Daarood oo kooxo ay qabyaadu madax martey ayaa door ku leh
ii) Sool, sanaag iyo Cayn ma aha wax jira oo Dhulbahante degaan u ah keligii balse waa Gobol lala lee yahay sidaa darteed wax suurta gal am ma aha in dawlad goboleed reer keliya laga dhawaaqo taani waa hadal layska yidhi cid kasta oo dheeligelisaana waxay dabka iskugu dhiibeysaa dad Somaliyeed
iii) Somaliya waxaa xornimo qaatey Laba gobol taariikh ahaan kuwaas oo kala ah Somalida Konfureed iyo Somalildii Waqooyi tani waa mid aaney cidina daferi karin sidaa darteed mar walba waxaa ay Lascanod ku jirtaa Somalidii waqooyi.
Intaas oo arimood ayaa ugu horeyn ka horeysa in Laascanood la yidhaahdo Somaliland Ciidamadeeda ha kala baxdo,waayo Ciidamada Somaliland waa kuwii nabada laascaanood ku gayey sugina doona.
Hadaba waxaa la gudboon cidkasta oo ka naxaysa ama ka xun dhibaatada Sool iney kala shaqeyso nabada Dawlada Somaliland iyo dadka gobolka u dhashay ee caqliga u saaxiiba garashaduna hogaamineyso.
Ugu dambeyntii nin waliba waxaa uu ka shaqeenayo khayr iyo shar Allah(swt) kama qarsoona xisaabteedana wuu helin Akhiro iyo Aduunkaba.
Sideedaba wixii dhacay way dheceen ee ma u talinaa inta hadhay,nabadu waa aas aaska horumarka.
You must be logged in to post a comment.