TALO KU SOCOTA WAXGARADKA BEESHA DHULBAHANTE

Marka ugu horeysa waxaa aan Beesha Allah swt uga Baryayaa in uu Jidka toosan waafajiyo, Waxaa aan rajeynayaa waxa aan ka hadlayo iney beeshu fahansan tahay balse waxay iga tahay xusuusin uun.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa nin habari dhashay halma seegi waayo.

Marka aan taariikhda dib uraacno Somali waxaa soo gaadhay dhamaan dhibaatooyin waaweyn oo dib u dhac weyn ku keenay.

Somalida Maantu maha Somalidii Shaley waana in aad maskaxda ku haysaan arintaasi Sida ka warqabtaan arimaha hada ka taagan Laascaanood ma aha arin u fudud sida ay dad badani maleenayaan waana arin u baahan caqli fayow xalinteedu sababta oo ah Somaliland iyo Somalida Federalka ahi waxay ahaayeen laba dal oo midoobey iyaga oo laba dal ah ayey midoobeen taasi waxay muujinaysaa in laascaanood ay la duruf tahay Somaliland ta kale Sababtu waxay tahay

Gobolka Sool dhulbahate keligii ma laha deegaan ahaan ee waa deegaan lala lee yahay sidoo kale Buuhoodle degaan ahaan ma aha deegaan dhulbahate ee waa lala degaa, Gobolka Sanaagna waa la mid sidaa darteed waxaa aan idinkula talinayaa in aad ka fiirsataan go’aankasta oo keeni kara dhibaato ka weyn arimaha hada jira.

Hada looma baahna dagaaloiyo dhiig macno daro ah fido hor leh inaad degaanadeena u horseedaan waa caqli xumo,keeni karta dhibaato weyn oo cawaaqib xumo keeni karta.

Arinta maanta meesha taalaa waxaa weeyi in aad daawo uraadisaan mushkilada jirta balse ma aha in aad ka talisaan dhibaato hor leh dad goboladoodii nabad yihiin oo aan dan kalahayn burburka dhulkiina ayaanu durbaan qabyaaladeed idiin garaacin somalidu maanta waxay u baahan tahay nabadgelyo,iyo horumar uma baahna dhib hor leh.

Somaliweyn raadinteedii xiligan lama joogo oo waa reyo balse waxaa la joogaa sidii nabad loo helilahaa.

Somaliland ayaa tihiin mar walba halka ay reer somaliland maraan uun baad marayaan Somaliweyna waxaa lagu heli karaa labadii midowbey 1960 oo Federal sameysta Koonfurina ay haldawlad ah noqoto Kolkaa Somaliland wada hadal ku xaliyaan arimahooda taas oo ah Marka la rabo in Somaliya arimaheeda laga hadlo waa in Somalidii Italiya iyo Somaliland ka wada shaqeeyaan iyada oo meesha laga saarayo Goboladan federalka sheegtey ee aan wax sharciyada ku dhisney waayo Somaliya waxaa midoobey waa waqooyiga iyo Konfurta. Kuwaas ayaana ah kuwa kawada hadlaya arimahas.

Sidaa darteed waxaa indinkula talinayaa in aad dhulbahate u horseedaan horumar iyo guul ayaa kula noolaadaan walaalahooda reer Somaliland ee la jecel horumarka iyo wanaaga waxaana haboon in aaney xaalada uga sii darin waxaan kula talinayaa Garaadka Guud inuu u fikiro si ka baxsan caadifad iyo aragti aad u gaaban oo ay ka dhalan karto isnacay iyo colaad Somaliland dhexdeeda ah.

Waxaan rajeynaa in si fiicaan oo wax dhisa waxgaradku ugu talindoono beesha. Allah swt ha ina waafajiyo wanaaga akhiro iyo dunidaba.