Somaliland Shay Iyo Maanta

Waxaanu Xornimada qaadaney 26 June 1960 Xududuhu waa kuwo sugan arimaha gudahayaga waa in faragelinta laga dayaa kuwa aan taariikhda beenta ah isku maawelinaya waxaanu lee nahay ha isku qaldina Somaliya Somalinimada,

Somaliya hada waxay la baxdey Jamhuuriyada Federalka ah ee Somaliya (Somalidii Taliyanigu Gumeysan Jirey) ama Somali Konfureed Waxaa ahayn laba dal oo midoobey balse kala noqdey 1991 ka dib Somalidii Konfureed waxay Sameysteen Dawlad cusub oo federal ah taasi waxay meesha ka saartey midnimadii iyo midowgii kol hadii ay ka guureen Jamhuuriyadii Somaliya waaney tashadeen ka dib markii aanu kala noqoney kolkaa sharci iyo dastuur kala duwan iyo laba dal oo walalo ah oo Somaliyeed baanu nahay.

Sidaa darteed kol hadii iyaguna Jamhuuriyadii Midowdey bedeleen oo ay Goboladoodii Federal ka dhigteen sharciga caalamigu waxaa uu si toosa mid jira uga dhigayaa in Somaliland tahay Jamhuuriyad madax banaan oo xaq u leh iney ku dhaqanto aqoonsigii markii ay xoriyada ka qaadatey Boqotooyada Britian 1960 26 June.

Kol hadii Somaliland ka noqotey midnimadii volunteer ka ahay ee Somalida konfureed la gashay Konfurta Somaliya bedeshay qabdhismeedkii Jamhuuriyadii Somaliya taas oo Konfurtii ka dhigatey Federal ka kooban 5 Maamul Goboleed.

Sidaa darteed Somaliland iyo Federalka Somaliya waa labadii Dal ee midoobey, waxaana ka dhaxeeya Jaarnimo iyo Somalinimo ay la wadaagaan Somalida kale ee 3 ah sida Jamhuuriyada Jabuuti, Kilinka 5 aad Somalida Itoobiya iyo Gobolka waqooyi Bari ee Somalida Kenya.

Shanta Somaliyeed waa Somaali balse waa dalal kala duwan kuwa qaba in Somaliland Somalinimada diidan tahay waxaa iskaga qaldan Somalinimada iyo dalalka.