Siyaasiyiinta Cabdiraxman Iyo Faysal

Siyaasiga aqoonta u saaxiib ka ahi waa midka aragtida dheer u leh xaaladaha ku xeeren mustaqbalka siyaasadeed ee wakhtiga fog iyo kan dhow wuxuuna odorosaa waayaha iyo wakhtiga.

Hogaamintu waa farshaxanimo lagu quxiyo ficilada iyo caqabaha ka dhasha waaya siyaasadeed ee hogaamiyaha fashilka hogaamiyuhuna waa saaqidnimada hogaamiyaha.

Faysal Iyo Cabdiraxmaan waxay xisaabta iskugu geesteen xaaladii Somalida Konfureed ee Farmaajo uu ku wajahay kolkii uu dacmey in uu Xukunka ku sii haysto farsamo Qaldan, Fashiilkii Farmaajo waxay isku tuseen in ay Somalilandna jidkaasi oo kale loo maro si aan Muuse biixi oo u muuqda in aaney doorashada kaga guuleysan karin in jidkii Mucaaridkii konfureed u mareen guusha ay kaga guuleysteen Farmaajo ay tahay jidka keliya ee ay iyaguna ku hanan karaan Xukunka iyo hogaaminta dalka Somaliland balse waxay ku fashilmeen dabagalkaa indho la’aanta ee ay labadan mudane ay dabagaleen waayo:

1- Somaliland waa dal xoog leh oo ku mideysan maamulida dhamaan gobolada iyo degmooyinka waana mid hal dawladi ka taliso, halka Konfurta Somaliya ay ka jirinaan 5 dawlad goboleed iyo Gobolka Banaadir oo qaab beeledyo u dhisan kuwaas oo leh Ciidamo u gaara taasina waa ta keentey in mucaaridku helaan ciidamo iyo siyaasiin kala duwan

2- Konfurta Somaliya Barlamaankii waxaa ka dhacay wakhtigii iyaguna awoodoodii halkaas ayey ku dhamaatey Balse Somaliland dhamaan Hayadii Dawliga ahaa waa kuwo active ah oo shaqeenaya wax kastana waxay u socdaal sidii caadiga ahaa mano jiro gaab banaan.

3- Kunfurta Somalida Kaligeed ka ma dhicin doorasho qof iyo cod ah intii ka dambeysey dawladii rayidka ahayd,Balse Somaliland waxaa ay ku soo caano maashey doorashooyinka kala duwan oo keeney guulo aad loogu bogey.

Arimaas oo dhami waxay muujinayaan in mudane Ciro iyo Faysal ay meel qaldan la martey mala awaalkoodii ku guuleysiga talaabadii uu qaadey Xasan Sheekh iyo mucaaradii la socdey ee ay kaga guuleysteen Farmaajo.

Tani waxaa markhati ugu filan Faysal hadaladiisii ay ka mid ahayeen Ganarel Saadiq John …………..

Iyo Kadaladii Cabdiraxmaan Ciro ee ahaa Soo Xabada isku dhigimeysaan………………

Siyaasi ka fiirso marka aad talaabo mustaqbalkaaga iyo kan dalkaaga khatar ku ah ugu dambey KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO