
Waxaa aan la yaabanahay waxaa sharcigu u arki waayey Ciro iyo Faysal ee loo eryanayo saxaafada iyo Caruurta yaryar ee aan masuuliyad qaadi karin.
Miyaa laga baqayaa ma sharciga ayey ka sareeyaan mise cid dacweysa ayaan lahayn. Waxaa aan qabaa in mar uun lala xisaabtamidoono labadan qawsaar ee helay maamuus iyo sharaf aaney mudneyn dambiyadey geleena uu Allah swt ka xisaabindoono maalin aan maanta ahayn waayo waxay fidmo kula jeeraan dadka reer somaliland iyo qaranimadooda mana qarsoona oo waa wax cadeemo loo hayo waxaa baraha bulshada ka buuxa abaabulka,isku dirka iyo kicinta iska horkeenka dadka reer Somaliland cidna kama qarsoona waxay wadaan hadana cid runta u sheegeysaana ma jirto.
Waxaa xitaa og oo ka war haya international community ga ayaa sheegaan balse waxaa kaalinteedii gabtey hayadaha sharci fulinta garsoorka wakiilada iyo xeer ilaalinta.
Labadn shaqsi waxay halis ku yihiiin amaanka qaranka Somaliland waxaana cadeemo ugu filan garsoorka lagu horgeeyo hadaladooda iyo qudbadahooda ficilada ay sameenayaan,iyo dadkii hubeysnaa ee hargeysa lagu qabtey.
Midi waxaa uu qabaa in uu madaxweyne qasaba noqdo oo wuxuu aaminsanyahay gar iyo gardaroba inuu xaq u lee yahay kalkan waana Cabdiraxmaan Ciro Faysalna wuxuu doonayaa inta Somaliland jirto oo dhan in uu Xisbigiisa UCID uu jiro oo uu hadii uu geeriyooda ay mala caruurtiisu ka dhaxlaan.
Hadaba Reer Somaliland waxaa la gudboon in ay ka fikiraan mustaqbalka dadkooda iyo dalkooda oo ay ka fogaadaan labadan musalif ee siyaasadii ku saaqidey rabana iney dhiiga caruurteena ku daadiyaan wax aan macno lahayn.
Somaliland waxay u baahan tahay siyaasiin dacad ah,wax kala garanaya kana shaqeeya horumarka,wada jirka iyo noloshada dadkooda.
Hadaba waxaa inagu waajiba ineynu iska ilaalino kuwa aan ka naxeyn dadkooda abaaraha iyo biyo la’aanta ay qeerkoodii ka reebtey.
You must be logged in to post a comment.