Anigu Shaqsiyan waxba kama ogi arintan xogogaalna uma ihi balse markaan dhegeystey hadalada inanta iyo adeerkeed waxaa aan jecleystey in aan wax ka idhaahdo aniga oo leh ALLAW GARASHANA HA IGU CADAABIN EEXNA HA I WAAFAJININ( IGA DUW) QORAALKEYGAN.
1- BARKHAD BATUUN MID BAA SEEGTEY
Barkhad Batuun waxa seegtey in hadii uu gabadha qabo oo uu guursadey inuu si ragnimo ah uu u cadeeyo oo uu yidhaahdo Darbigii guurka Midgaha iyo Ajigana waan Jebiyey oo gabadhu waa xaaskeygii waxaan qabaa oo isaga iyo iyada oo wada socdaa media ka wada hadli lahaayeen in arintu sidaa ku soo gabo gaboon lahayd .
Balse inantii keligeed shakigii uun baa sii xoogeysanaya. Hadana waxaan kula talinayaa inuu gabadha hadii ay isqabaan oo ay xaaskiisii tahay in uu isaga oo gacanta haysta saxaafada la hadlo, waayo waa nin siyaasi ah ma aha qof caadi ah waa xildhibaan metela dadkii soo doortey ee u codeyey kuna noqdey xildhibaankii ugu codka badnaa,sidaa dadkii doortey waxay ka rabaan in uu fadeexada iska meedho, oo uu is cadeeyo arintana ma aha mid fudud.
HAYADAHA ABNIGIGA MID BAA SEEGTEY
Ugu horeyn waxaa dayac weyni ka muuqdaa oo aan shaqadoodii qabsanin hayadaha amaanka, wanaag farida iyo xumaan reebida iyo hayadaha xuquuqda ee somaliland.
Waayo waa kuwii u xilsaarnaa in ay war saxa ah ka soo saaraan arintan baraha bulshada lagu dhex wareejinayey waayo waxay yareyneysaa wararka beenta ah iyo kuwa la naaxnaaxiyey ee abniga iyo sharafta,xuquuqda muwaadiniinta wax yeeli kara si aaney taasi u dhicin waa in hayadaha shaqadaa lihi bulshada la wadaagan wixii jira arimahana gacanta ku qabtaan si aaney fidmo u dhicin.
SOCAIL MEDIA NA MID BAA SEEGTEY
Saxaafada Xorta ah iyo tan dawliga ah waxay ahay in ay kaalinteeda qaadato oo ka hortagto kutidhi kuteenta xog sugana u soo gudbiso bulshada iyada oo wareysiyo ka qaadeysa dhinacyada intey meel iskugu keento arinta la dejiyo.
Hadal iyo dhamaantii arintani waxay u baahanteahay in uu Barkhad, Golaha wakiilada iyo Xisbigiisa Wadani iney arinka bulshada ka qanciyaan xaqiiqadana soo bandhigaan si wararka beenta ah meesha looga saari lahaa waxaase muuqata in aaney hadahasi fahansaneynba arintani dhawaca ay u geesan karo sumcadooda waayo sida nidaamka dawliga ahi yahay xildhibaanku wuu lee yahay maqaam uu lumin karo hadii uu galo waxyaabo sharcigu ka reebay sidaa darteed waa in arinta laga eegaa dhinac walba mana aha mid la dhayalsan karo waayo haydahii qaranka shuruucdooda ilaalinayey ee xeerarka dejiney hadii aaney xubnahooda marka la eedeyo sax iyo khalad kuu doono ha ahaadee baadheenin kana jawaabeynin waa maxay shacada kale ee laga sugayaa sidaa darteed golaha wakiilada Somaliland waxaa looga fadhiyaa iney war degdega ka soo saaraan arintan sida ay wax u jiraan oo runta ku saleysan hayadaha abnigana shaqadoodii waa laga rabaa iyagana ma aha in Barkhad na la dulmo inantana la dulmo ehelkoodana la dulmo intaasba waxaa dhex u ah waa sharciga iyo hayaha ku shaqada leh.