ILHAN OMAR MIYEY MASEERTEY?

Ilhan Omar

The face you make when your colleagues can’t make out the accents of a foreign delegation and act as if they are hard of hearing 🧏🏽‍♀️ and all you are trying to do is not lose it.

Adamaha aan bisaylka Siyaasadeed,aqooneed iyo waayo aragnimo lahayn jago kasta oo uu nolosha ka gaadhaba waxbaa ka dhiman.

Waxaa aan qiyaasi karaa dad aanad jecleyn marka ay qasab kugu noqoto in aad dhegeysato dhab ka hadalkooda waxaa aad dareymeysaa dembiile in aad tahay,ma jecleysaneysid in aad maqasho wanaagooda waayo nololba uma ogolid balse waxaa aad ku wanaagsaneed in aad ka maqnaatid kulanka kol hadaanad qarsan karin xumaanta aad u qabto gobta reer Somaliland ama sidii Tuke ku mudaharaadid Wafdiga qaranka Somaliland iley sida la sheegay Tukeba cid kale ayuu waayey oo Mudaharadka ka furate e ileyn wuu is qarin lahaa e.

Waxaa filayaa Marwo Ilhaan Omar iney moodey iney Gaalkacayo loo laba dawlad goboleed leh ay fadhiga kaga qayb geleysey .

Waxaa aad noosheegtey halka aad ka taagan tahay biseylka siyaasada,waayo aragnimada iyo Somalinimada intaba waayo Siyaasiga dhabta ahi waa midka wajaha xaqiiqada waa mid ka garan kara sida dadkiisa loo mideeyo waana midka u hiiliya xaqa balse ma aha midka kala garan waaya shaley iyo maanta berina gumoobidoona markey dadku ogaadaan shaqsiyada dhabta ah.

Hadaba Ilhan Shirka way fadhidey waxbana kamey faa’iidin doodihii iyo garnaqsigii waayo waxay ahay maqane jooga oo burkeedii baa biyo ugu soo galeen maxayse ka qaban kartaa Somaliland way socotey Hinaasuhuna waa dareen caadifi ah balse kulamad dambe ee wafdiga Somaliland iyo Mareykanka ee golaha arimaha debeda ee aad ka mid tahay ka dhuumo oo fasax ka qaado iley Somaliland iyo Mareykanku waxay yeelan doonaan xidhiidh adage.

Intaasina waa iga waano ee wax ku qaado raali gelina ka bixi qoraalkaga kooban Ilhan Omar hadaad tahay.