Mudane Cabdiraxmaan Fidaar oo ah Mudane Ka tirsan (Member of Hargeisa City Council) ayaa wuxuu uu la kulmayey totobaad yadan ugu dambeyey Madax,siyaasiin aqoon yahano iyo waliba Jaaliyada Somaliland ee Wadanka UK. Isaga oo uga warbixinayey xaalada guud ee wadankii hooyo ee Somaliland iyo horumarka iyo, isbedelada ka socda ee horumarineed, waxqabadka Golaha deegaanka ee Cusub ee Hargeysa qorshaha iyo guud ahaanba hawlaha ka socda Somaliland ee lagu horumarinayo dalka iyo sidii qurbajoogu gacan uga geesan lahaayeen ugana qaabqaadan lahaayeen.
Shalay oo taariikhdu ahayd 09/02/2022 ayaa isaga iyo koox aqoonyahano ah ayaa waxay boqosho ku tageen Foreign, commonwealth and Development office ee boqortooyada Midowdey (UK) halkaasi oo ay kula kulmeyn hawl wadeeno kala duwan oo ay uga warameen taariikh iyo dimoqradiyada Somaliland xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee Somaliland iyo Britain waxaa boqashadan ku wehelinayey soona qaban qaabiyey Mudane Maxamed Jaamac oo ah aqoon yahan kana tirsan Xisbiga talada dalka UK hada haya ee muxaafidka ah (a member of the conservative party) wadanka UK.
Xubinihii Aqooyahanada ahaa ee maalintii shalay Xildhibaanka kulamada kala duwan la qaatey waxaa ka mid ahaa:
1- Aqoon yahan Cabdilaahi Shugri Xuseen( BSc)
2- Dr. Xuseen Yasiin
3- Aqoon yahan Yaasiin Ismaciil
4- Maxamed Jama Farax (BA, BEng (hons) ,DSM Level. 7, Dip.Security management Level.7)
Aqoonyahanadani waxay uga mahad celiyeen councilor Cabdirahman cabdilahi fidaar dadalada uu ku xoojinayo wacyigelinta qurba jooga ee la xidhiidha ka qaybgalka horumarinta Jamhuuriyada Somaliland hadey noqoto Citiraafka iyo olalayaashiisa,taageerida dawlada ee horumarka dalka dhaqaalaha,caafimaadka waxbarasha, nabadgelyada iyo wacyigelinta guudba bulshada.Sidoo kale waxay u soo jeediyeen in uu dadkii soo doortey uu codkooda u gaadhsiiyo Golaha degaanka Hargeysa (caasimada) ee uu ka tirsan yahay. lagana wada shaqeeyo horumarka jamhuuriyada Somaliland





You must be logged in to post a comment.