Somaliland Iyo Somaliya Goorma Ayey Wada Hadli Karaan?

Su’aashaasi waxay leedahay hal jawaab ah koo kooban taas oo ah marka ay Somaliya xorowdo ayaa la wada hadli karaa.

Su’aal baa ka dhalan karta jawaabtan oo odhaneysa Somaliya waa xor oo waa Jamhuuriyad Federalka ah ee Somaliya ee caalamku aqoonsan yahay,korsigii qaramada midowbayna ku fadhida ee maxaad u la jeedaa marka ay Somaliya ay xorowdo.

Sida loo isticmaalo cilmiga siyaasadda, ereyga dawladeed waxa uu macnihiisu yahay Jaaliyad ama bulsho si siyaasadaysan u abaabulan oo hoos timaada hal dawlad oo madaxbannaan oo ku jirta dhul qeexan oo aan cid kale oo ka baxsan iyada ka talin.

As used in political science, the word state means a community or society politically organized under one independent government within a definite territory and subject to no outside control.

Dawlada federal ka Somaliya ee la sheegaa ma tahay mid ku sifeysan qeexidaasi oo la odhan karo waa dawlad runtii waa maya.

Cadeyn waxaa inoogu filan iney Muqdisho oo magaalada madaxda federal ka ah ay ka taliyaan ururadan:

1- African Union Mission to Somalia(AMISOM) oo ay ka joogaan ciidamo gaadhaya 20,626

2- Alshabaab oo aan la ogeyn tirada ku sugan muqdisho waxay jirta iney cashuuro joogto ah ka qaadan dadka ku dhaqan goobaha ay ka teliyaan oo xitaa muqdisho ku jirto

3- Daacish oo aan la ogeyn tirada ku sugan gudaha muqdisho

4- Dawlada federalka ah ee Gobolka banaadir xitaa lala maamulo

5- Dawlad goboleed iyo dhan 5 dawlad goboleed

Cid beenin kartaa majirto in ururadaasi si muuqata uga shaqeeyaan Federalka Somaliya sidaa awgeed Somaliyada federal ka ah ee aynu maqalnaa waa dawlad fashilmatey oo magac uun ah dawladaha caalamkuna hadii liiska Somalida Federal ka lagu daro waa ay ka dhiidhiyaan oo waxay ku doodaan in aan Somaliya lagala meeqaan dhigin taasi waxay ku tusaysaa in Somaliya caalamka ka faano hada.

Somaliya marka la soo qaado dadka caalamka waxaa maskaxdooda ku soo dhacda:

a) wadanka dunida ugu musuqa badan Somalia d) Magaalo 3 kooxood cashuuran muqdisho

b) Dalka aduunka ugu fakhrisan Somaliya e) Dal dawlad dhacsan in kabad 1 sano

c) dawlad fashilmatey Somaliya

Somaliya waxay ku guul dareysatey iney xitaa iska bixiso qaadhaankii xubinimada UN oo lagu lee yahay sanado badan

Under Article 19 of the Charter of the United Nations, a Member State in arrears in the payment of its dues in an amount that equals or exceeds the contributions due for two preceding years can lose its vote in the General Assembly.

Farmaajaha Fashilmayna waxaa uu ina barayaa inuu qabkii Somaliya kor u qaadey.Dawlada wakhtiga dhaafka ahi ee federal ka Somaliya ma aha mid xitaa u qalanta in la soo hadal qaado waayo wax maamul ah oo gacanta ugu jiraa maba jiro hayadaha mid walba midka kale lid ku ah oo aan lahay maamul dhexe nidaam siyaasadeed,kala dambeyn iyo wada shaqeyn ayaa la daalaa dhacaya maamul magac uun ah oo muqdisho wada xukumin. UNISOM na kala dhex joogto waxaa wax laga xishoodo ah in Somaliland oo Maamul dimoqraadiyada,nabad,jaar wanaag is ixtiraan iyo kala dambeen caalamka oo dhami markhti ka noqday doorasho madax banaan lagu wada qancay hadana la yidhaahdo 12 bilodba in ka badan 3 musharax ayaa lagu soo dooranayaa oo somaliland matala hool ku yaal muqdisho.

Wax muhiima in Somalidu fahanto in aaney hada ahayn markii Somaliland iyo Somaliya wada hadli lahaayeen balse ay tahay kolkii Somaliya la badbaadin lahaa Somalilandna la fahmi lahaa in ay tahay dal jirijirey hadana jira.Wada hadalkana loo dhaafi lahaa mar keeda ama wakhtiga la helo Somalida Konfureed oo xor ah, dal ah ismaamusha aan ahayn magac u yaal lagana badbaadiyey kooxaha xukun doonka ah.