SOMALILAND IYO SOMALIYADA FEDERALKA AH WAY SII KALA FOGAANAYAAN

Dadka Isyeel yeelaa(waa kuwa runta og balse isdiidsiinaya) ee Somaliyeed waxay in badan ina maqashiiyaan Somaliland waa gobol ka mida Somaliyada federalka ah taasi waa marin habaabin siyaasadeed iyo fikir gaabni marka laga eego dhinacyada kala duwanaanshaha taariikheed,dhaqandhaqaale iyo siyaasadeed.

Waayo arimaha fashaliya wada hadalada labada dal waxaa ka mid ah:

  1. Kala duwanaashaha qaabka dawladnimada Somaliya ee labada dhinac

Somaliland iyo Somaliya waxay kala ahaayeen laba dal oo gumeysi ku jira ka hore 26 June 1960 oo ay xorimo qaadatey Somaliland 1 July 1960 na waxaa Xorowdey Somaliyada Koonfureed isla 1 July 1960 kii waxaa midowbey labadii Gobol arintaasi waa markhaatiga nool ee in ay laba dal oo kala nidaam duwan ahaayeen, waxaa kale oo markaati ah xuduudihii ay kala lahaayeen labadaa dal ee midowbey.

Arinta labaad ee kala duwaanshaha waxaa saldhig u ah 18 May 1991 Somaliland waxay ku dhawaaqdey in ay midowgii Somalida Konfureed ay la lahayd ka baxdey dawladnimadeediina la soo noqotey sidaa darteed

Hadii ugu horeyn sidaa loo fahmin wada hadalkasta oo lagu xalinayo arimahoodu waa mid guuldareysanaya oo wakhti lumis ah.

Sababta oo ah cadaymahaasi waah ab muhiima oo inoo sahlaya macluumaadka ka soo jeeda meelo kala duwan oo xaqiiqo ah kuwaas oo ina siinaya fahanka waxaa shaqeenaya iyo waxaan shaqeeyneynin si loo sameeyo xal dhab ah.

Tusaale1

Somaliya Siyaasiinteedu waxay aaminsan yihiin Somaliland waxay ka mid tahay gobol ka mida Somaliya taasi waa mid ka dhigan been aaney waxba ka jirin waayo Somaliland iyo Somaliya waa ka kala yimaadeen laba dal oo midobey hadii taas reer konfureedku qirina wax kale laguma hashiin karo.

Waxaa muhiima in aanu xisaabta ku darsano arimo badan iyo duruufo kala gedisan si aynu xal u gaadhno.

  1. Somaliland qayb ka may ahayn 31 sanadood ee la soo dhaafey arimaha Somalida konfureed waxayna ahayd mid ka madax banaan taas macnaheedu waxaa uu yahay Somaliland ka noqoshadii midowgu waa uu u shaqeeyey si dhaxalgal.
  2. Somaliland marna qayb kama ahayn dawladihii kala duwanaa ee loo dhisay somaliya xitaa goobjoog ka may ahayn,cid matashana ku may jirin.
  3. Dawlada federalka ah ee Somaliya dhismaheeda ku heshiinteeda iyo ka qaybgalkeeda midna wax lug ah kuma lahayn.

Arimahaasi oo dhami waxay cadeenayaan in Somaliland cidina xaq ugu lahayn in maanta la yidhaahdo Somaliyada federal ka ah baad ka mid tihiin balse waxaa loo baahan yahay in Somaliya cagaheeda isku taagto ka dibna la sugo xaaladaha isbedelkooda Somaliland si ku meel gaadha loogu aqoonsado dal ka madax banaan dhamaan dhismaha Somaliya  laga soo bilaabo 18 May 1991

Waayo Somaliya isbedelo kala duwan baa ka dhacay sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in Somaliya arinteeda meel la dhigo, ka dibna Somaliland iyo Somaliya wada hadal ka yeeshaan arimahooda iyagu.

Waayo Somaliya hada ma jirto dawlad ama siyaasad ka shaqaynaysa waayo waxaa ku loolamaya siyaasad-dejiyaal(policymakers) badan sida Aljabaab, ISIS Dawlada federalka ah iyo UNISOM oo intuba wada maamula Somaliya, halka Somaliland hal siyaasad-dejiye oo qudha ay lee dahay sidaa darteed caqliga caafimaad qabaa waxaa uu garan karaa farqiga u dhaxeeya dawlad fashilan( J.federal ka ah ee Somaliya) iyo dawlad kobcaysa(Somaliland) in aan waxba lay iskugu dari karan sidaa darteed waa in la kala ilaaliyaa si cudurku ugu fidin dawladan caafimaadka qabta ee Somaliland.

Caddaynta waa hab muhiim ah oo lagu ururiyo macluumaadka dadka ka soo jeeda meelo kala duwan iyo aragtiyo si loo fahmo waxa shaqeeya iyo waxa aan shaqayn: tani waxay ina siinaysaa fursada ugu fiican ee fahamka sida wax loo sameeyo.

Caddayntu maaha mid qumman, sababtoo ah waxaan u baahanahay inaan xisaabta ku darno duruufo iyo aragtiyo kala duwan – laakiin waa qayb muhiim ah oo ka mid ah siyaasad-dejinta.

Qiimaha dadka iyo dhiirigelinta sidoo kale waa qaybo muhiim ah oo siyaasad dejineed: siyaasadda laguma go’aamin doono oo keliya caddayn. (Tani waxay sidoo kale ku xiran tahay caqabadaha loo baahan yahay in lagu xalliyo macnaha guud ka hor inta aan siyaasadda hore loo qaadin.)

  • Khibrad yaraanta  siyaasad-dejiyaasha (politics makers )labada dhinac

Labada dhinacba waxaa, Somaliland iyo Somaliyaba dadka loo xulay wada hadaladu ma aha kuwo wax badan ka og taariikhda aqoona u leh qaabka loo xalilalo arimaha murugsan,dhinaca Somaliya waxay soo diraan hay iyo jeer dad iga gee uun ah oo macnuhu yahay waa la heshiinayaa ama wadahadal aan waxba ka dambeyn.

  • Daacad La’aanta Siyaasiinta dhinaca Somaliya

Siyaasiinta Somalida ma aha kuwo ay ka go’an tahay in Somaliya iyo Somaliland xal u helaan balse waa kuwo khiyaamo iyo istustus uun meel la taagan oo aan hadalkoodu run ahayn taas waxaa markhaati kugu filan dhamaan heshiisyadee hore loo galey iyaga ayaa buriyey am aka baxay qaarna khiyaamo ayey Somaliland kula kaceen sida ku wareejintii hawada oo markii la dhameystirey dhabarka u jeediyeen Somaliland.

  • Xiiso la’aanta midnimada ee dadka reer Koonfureedka ah

Waxaa xaqiiqo ah in aaney dadka reer koonfureed ku hore iyo hadaba wax dan ah ka lahaan in Somalilander ku ka sii mid ahaadaan iyo in kale marka laga eego dhinaca taariikhda iyo bulshadaba waayo ma jiraan dad reer koonfureed ah oo taariikhda la hayo iyaga oo u ololeenaya midnimada iyo soo celinteeda halka aad arkeysid in ay jiraan dad Somalilander ah oo ku khafiifay midnimo in kasta oo aan tiro ahaan aaney badney oo ay kolba magac la baxaan sida MARKALE IYO MIDNIMO iwm.

Arimahaasi oo dhami waxay ku tusayaan sida aaney Konfuri diyaar u ahayn hada iyada oo ay sii culeysisey iyaga oo aan haysanba nidaam dawladeed oo wax tari kara .

Ugu dambeyntii mudooyinka soo socda ma muuqato waxaan ahay sii kala fogaansho dhinacyada ah halka ay suuro gal tahay in Somaliland hanato aqoonsi Caalamiya oo loo cusbooneysiiyo kii 26 Jun 1960 hadii Allah (swt) ogolaado sidaasi.