
Su’aashaa Ka jawaabideedu waxay u baahan tahay in aynu wax ka ogaano dhowr arimood si aynu u dhiraandhirino xaqiiqada jawaabta su’aashan laba arimood ayaanu ku eegeynaa iyo xidhiidhkooda labadaas ayaana ka jawaabaya su’aasheena kuwaas oo ku saleysan xidhiidhka ka dhexeeya labadan qodob ee kala ah:
- Maalgashiga dhismaha ganacsiga ee ugu dheer dhisme laga dhiso dhul Somaliyeed
Iyo
b) xaalada nabadgelyo ee ku xeeran Meesha uu ka dhisayo Mudane Dahabshiil
Waxaa muhiim ah in aynu fahano maalgashiga iyo waayihiisa.
Maalgashi kasta oo la hidisayo waxaa qodobka ugu horeeya ee loo eegaa waa nabadgelyada marka uu yahay hanti maguurto ah hadii ugu horeynba meesha laga maalgelinayo dhisme iyo wax la mid ahi aaney nabadgelyadeedu gacan ku jirin maalgashigaasi ma noqdo mid guulaysta waayo waxaa ka horeeya mustaqbal aan saacideenin in uu ku dhamaado si nabad ah marka taas si guud uga hadalney bal aynu eegno xaalka muqdisho si gaara.
Muqdisho oo ah Caasimada Somalida federalka ah dawladaha caalamku waxay ka soo saaraan digniino ay ku wacyi gelinayaan dadkoodu iney u socdaalin somaliya sidan digniintan hoose oo kale.
Still current at: 30 June 2021
Updated: 12 April 2021
Latest update: There’s an ongoing high threat of terrorism, with attacks expected to continue. Don’t travel to Somalia. If you’re in the country, leave as soon as possible. If you decide to stay, get professional security advice. The 2021 Presidential elections remain delayed. A spike in violence is likely to correspond with the electoral process, including possible attempts to disrupt the elections.
Safety
- Don’t travel to Somalia. If you’re in the country, leave as soon as possible. If you decide to stay, get professional security advice. Terror attacks occur frequently in Somalia. Possible targets include Mogadishu International Airport, government officials and buildings, hotels, restaurants, foreigners and foreign interests, and UN workers.
- Elections were scheduled for February 2021 but have been delayed because of ongoing political impasse. A spike in violence is likely to correspond with the electoral process, including possible attempts to disrupt the elections.
- The kidnapping risk is very high in all parts of Somalia. This includes Puntland and Somaliland. Vary your routines so your movements aren’t predictable.
- Residential areas and markets in south-central Somalia have experienced shootings and grenade attacks. Avoid areas of conflict and large public gatherings.
- Somalia has a small and inexperienced police force. Law and order has broken down. Drought, floods, food shortages and population displacements have compounded the unstable security situation. Arrange personal security measures and seek professional advice.
- Somalia has extreme weather, including severe droughts, heatwaves and floods. It’s also prone to tsunamis. During a natural disaster, monitor local and international media. Follow local advice.
Hadaba arintu sidey doonto ha ahaatee Muqdisho maanta dabaq 30 uma baahna dahabshiilna in kasta uu isagu xor u yahay hantidiisa halkuu gelinayo iyo siduu u maamulanayo intaba oo aan cidina la lahayn hantidiisa balse arinka aan ka dhawaajinayaa waa talo uun iyo aragtideyda aqoonta sare ee aan u lee yahay cilmiga nabadgelyada marxalada maalgelinta noocaas ah ee muqdisho ku sugan tahay intuba waxaa aan u arkaa in aaney wakhtigeedii ahayn hada in maalgelin intaa leeg lagu biimeeyo meel aan nabadgelyo,sharci,iyo dawladnimaba ka jirin.
Waxaa u maleenayaa in koley uu Dahabshiil xogogaal u yahay meesha uu maalka intaas le’eeg uu gelinayo malahayga hada ma aha ee waa mustaqbalka marka Muqdisho lagu aminayo hantida intaas le’eg.
Maalgashiga waxaa ka horeeya nabadgelyada.
Anigu hadii aan maal intaa le’eg haysan lahaa waxaa maalgelin ku sameen lahaa fursadaha waaweyn ee ka banaan Burco,Boorama, Laascanood iyo Ceerigaabo ama Magaalada Hargeysa iyo Berbera.
Waxaa aan maalgelin ku sameysan lahaa Wershadaha, beeraha iyo technoolajiyada casriga ah kaas oo aan ka sameyn lahaa meelaha nabada ah ee dawladu ka jirto ee dhulka somalida guud ahaan.
Waxaa aan xusuustaa Muqdisho oo amaankeedu sii xumaanayo wakhtigii dawladii siyaad Bare ka talinaysey bilihii ugu dambeyey in rag maalkoodii gelinayeen dhismayaal guryo halka dadka qaarkood u diyaar garoobayeen in ay naftooda u la cararaan meel amaana.
Si kastaba ha ahaatee hadii aynu noolaano oo Allah (swt) ina gaadhsiiyo dhamaadka dhismaha 30 dabaq ah ee dahabshiil ka dhisayo Muqdisho ayaanu ogaan doona sax iyo khalad waxay noqoto fikirkaas dahabshil ee dhismahaasi.
You must be logged in to post a comment.