MADAXDA SOMALILAND MAXAA LA GUDBOON MARKA LAGA HADLAYO DALKA FEDERALKA SOMALIYA

.

Waxaa aad moodaa marka si guud loo eego siyaasada Somaliland ee ku wajahan dalkii ay kala tegeyn ee Somaliya in ay tahay mid aad u gaabisa oo aad moodid in dawlada itaalka daran ee Somaliyada konfuureed iyo Siyaasiintoodu ay yihiin kuwo ka firfircoon oo ka galangal badan Somaliland iyo siyaasiinteeda arintaasina waa mida madaxa iskaga duubtey qadiyaadii Somaliland.

Waxaa aan marwalba la yaabaa ficilada caadifada ah ee madaxda Somaliland ku cataabaan marka ay siyaasiinta Somalida federalka ahi yara maroojiyaan gacanta dhinaca Somaliland runtii marka si cilmiya loo daraasadeeyo heerka firfircoonida siyaasiinta Somaliya iyo fahanka danahooda shaqsiyadeed iyo dhagaraha ay maleegaan ayaa sababa in marwalba kuwa Somaliland laga gacan sareeyo taas maxaa markhaati u ah bal u fiirso arimahan:

  1. Siyaasiinta Somalida federalka ahi waa kuwo mar walba kuwa dhigooda ah ee Somaliland ka naxsada oo meel aaney ka fileynin uun uga soo baxa

Arimahaa waxaa tusaale kugu filan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ku kulmay magaalada Addis Ababa, ee caasimadda waddanka Itoobiya.

Kulankaas oo ka dhacay Addis Ababa horaantii Feb 2020 wuxuu ahaa mid Rasal wasaaraha Ethiopia uu iskugu keeney labada madaxweyne iyada oo dad badani aaminsan yihiin in farmaajo wax ka ogaa qorshaha balse Madaxweyne Biixi kedis arintu ku ahayd oo aanu wax badan kala socon qorshaha.

Tusaale 2

Iyada oo Somaliland madaxdeedu sidaa ula socon ayaa si kedisa mar qudha uu soo dhacay warkan:

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan Hargeysa.

Saleebaan, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka diiday codsiga raysal wasaaraha balse Abiy mar kale ku soo celiyay codsigooda imaanshaha Hargeysa.

Tusaale3

Waxaa ka horeeyey in shirar laga doodayo Somaliland iyo somaliyada konfureed lagu qabto magaalooyinka Hargeysa Jabouti kuwaas oo ay gadhwadeen ka ahaayeen maxadyo Somalida konfureed ka socda sida:

Maxadka the Heritage

Inta badan waxaad moodaa in Siyaasiinta Somaliland ay ka seexdeen kaalintoodii iyo waajibkii ka saarnaa ka midha dhalinta arimaha Somaliland waxaad moodaa in ay ku baraarugaan dhaqdhaqaayada ku lidka ah danaha Jamhuuriyada Somaliland iyaga oo qarda jeexaya meelo aan muhiima kuwaas oo aad moodid in siyaasiinta Somaliland yihiin kuwo aan xitaa dersinba xaaladaha ku xeeran iyaga oo aad maqleysid arimo aad u hooseeya sida:

  1. Fanaaniin Xamar tagtey oo bandhig faneed ka sameeyey
  2. Ciyaar tooy ciyaaro u tegey sida warkan lagu qorey HWN:

Hargeysa(HWN):-Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, ayaa sheegtay inay Maxkamad la tiigsanayso Ciyaaryahannada Somaliland u dhashay ee ka qayb-qaatay Tartankii Maamul-gobolleedyada Soomaaliya……….

  1. Inan calanka Somaliya hargeysa ku xidhey
  2. Gabadh gabaydey  iwm.

Arimaha muhiimka ah waxay ahayd:

  1. Shacabka Somaliland waxay intii ay ka mid ahaayeen Jamhuuriyadii Somaliya waxa ay wajaheen dhibatooyin waaweyn oo ugu waaweynayeen kuwii lagu bilkaabey 1980 kii
  2. Xasuuqii lagu hayey dadkaasi 1980 ilaa 1991

Waxa ay ahayd in dawladu u saarto maxkamdo iyo aqoonyahno ku xeeldheer sharciyada caalamiga ah ee dhinaca xuquuda adamiga iyo shurucda la xidhiidha oo diyaariya baadha soo saara xaqiiqada dhabta ah ee xasuuqii ay geesatey xukuumadii Somaliya wakhtigaa.

In la ururiyo lagana sameeyo buugaag la raadraaco oo si dhaba u qeexaya dhibkii loo geystey dadka reer Somaliland si aan mar dambe falkaasi oo kale u dhicin.

Taa badalkeeda waxaa cad in maanta dad badan oo reer Somaliland laga dhaadhicinayo Somali oo dhami way is laysey oo waxaa lee dihiin uun waa nalalaayey taas oo si xirfadeysan loogu qarinayo dhibkii dawladii Somaliya geesatey oo isku mid loonaga dhigayo dagaal kii

Diyaaradaha ciidamada circa ee Somaliya ku burburiyeen magaalooyinkii waaweynaa ee Somaliland

Madaafiicdii lidka diyaaradaha iyo hubkii cuslaa ee loogu talagaley indalkii somaliya lagu xasuuqay.

Bal sheeg meel kale oo Somaliya ka mid ah oo diyaarado lagu garaacey,loo soo kireystey calooshood u shaqeystay south Africa aan ah.

Reer Somaliland dawald baa xasuuqday balse dadka somaaliyeed dagaalo qabiil ayey wada galeen farqiguna waa kaa la rabo in dawladu xilkeeda ka gudato shuruucda caalamiga ahi way ogol yihiin in maxkamada dalku qaadi karaan gumaadkii Somaliland ka dhacay oo kale kaas oo marka xiga noqon doona mid maxkamadaha caalamiga sida maxkamda caalamiga iwm lagu qaado.

Balse maanta dadka siyaasada Somaliland hormoodka u ahi waa kuwo u muuqda kuwo dawladii Somaliya ee loo haystey gumaadkaasi kolba ay meel u soo marayaan iley iyagaa seexdaye kolkaa kolba inan yar oo xamar tegey ayaa la xidhayaa waa riyo kale oo madadaalo u muqata sidey ila tahay siyaasiinta Somaliland dadka ayaa wax ka odhan sida ay u seexdeen oo aan loo kala gareynin ma daacad daraa,ma aqoon baa sidaa ka ah mise waxay u haystaan in waanu ka baxney somaliya iney shaqadii ku dhan tahay ……..