ARIMO AAN IS QABAN IYO ARAGTI AAD U LIIDATA WADANI MISE AMINA IS CADEEYA

Xisbiyada Siyaasada ee Somaliland waxaa waajib ku ah in ay ilaaliyaan shuruucda iyo qiyaamka dadka iyo dalka Somaliland xisbiga wadani waxaa looga fadhiyaa in ay anshax marin ku sameeyaan gabadhan Gudoomiye xisbi sheeganaysa ee sida aan waafaqsanayn anshaxa iyo asluubka xisbinimo u hadlaysa, waxay kala qaybinaysaa xisbiga wadani,waxaaney iska horkeynayaa xisbiga iyo taageerayaashiisa sida ay u hadlasaana ma aha afkii xitaa qof xubin ka ah xisbi siyaasadeed waxaa aragti u dhow qof iska caadi ah oo taageersan xisbi kuna taageersan uun arin jifo tanina waa mid sumcada xisbiga wadani hoos u dhig iyo nuskhaan u ah.

Maxaynu u Cuskan karnaa dhaliilaha gabadhan:

1- Kaadhadhka in ay Bariga kaadhka qaatan…………..

Waxay guubaabineysaa in ay kaadhadhka codeynta qaataan reer barigu taas oo ku dhisan kala qaadis iyo kala soocid muwaadiyiinta reer Somaliland iyo fikir ku dhisan eex goboleysi taas oo ay ku niyad jabineyso xubnaha xisbiga ee gobolada kale ee dalka sida gobolada Galbeedka, waqooyi iyo Konfurta Somaliland.

Taasi waxay cadeynaysaa in hadii xisbiga wadani talaabo ka qaadi waayo oo uu saxi waayo in uu lumindoono kalsoonida shacabka reer Somaliland, sharcinimada xisbigana dib wax layskaga weydiindoono waayo sharciga xisbiyada somaliland ma ogola xisbi goboleed oo Bari oo keliya ku kooban.

2- Hargeysa Soo saara Xuseen Adan Cade iyo Barkhad…………….

Dhaliisha labaad ee aan ku naqdiyayo Gudoomiyaha wadani ee maamul wanaag ee UK sida ay sheegtey Amina Xirsi Maxamuud waxay si gaara ugu ololeynaysaa laba xubnood oo doorashada u tartamaya oo ay iloowdey in ay dhex u tahay dhamaan xubnaha kale ee uu xisbigu soo sharaxayo tanina waxay muujinaysaa kala jacleysi ama qadarin la’aan xubnaha kale ee xisbigeeda tani waa arin kale oo muujineysa kala faquuqid (discrimination) iyo haldhinacnimo (one-sidedness) iyada oo ku hadgudubtey anshaxa xisbinimada xisbiga wadani oo dhigaya in xubnaha xisbigu si siman loogu wada ololeeyo.

3- Buurta Dahabka …………

Waxay u gudubtey ka hadalka Buurta ay u bixisey buurta dahabka taas oo iyada oo sheeganeysa in ay ka mid tahay weliba madaxda xisbiga wadani tahay ay guubaabineyso Jilib ka mida Jilibyada meeshaa dega iyada oo ka horgeeneysa dadka kale ee deegaankaas la degen taas oo wax u dhimeysa nabadgelyada guud iyo tan degaankaasi gubabada noocan ahi meel kuma laha wadaniyada Somalinimada iyo Xisbinimada Wadani iyo kuwa kale ee caalamka waana Khiyaamo Qaran( national treason) Khiyaamo Qarana waa dambi ciqaabeed (a criminal offense) sida ku cad shuruucda wadankasta waayo waxay noqoneysaa in la baadho bal cida ka dambeysa iyo heerka ay arintani ku leedahay mawqifka xisbiga wadan ee danaha qaranka ee Somaliland.

Arinta ugu dambeysa waxay tahay waxaa jira dad badan oo wadamada reer galbeedka ku nool oo maqley xoriyada qowlka kuwaas oo u haysta in wixii la doonoba lagu hadli karo balse waxaa jira waxyaabo badan oo sharcigu wadankastaa xadidayo oo u baahan taxadir iyo intaanad falin ka fiirso kolkaa xisbiga wadani waxaa la gudboon in ay arintan gabadhani ka hadlayso ka jawaaban si ay reer Somaliland midnimadooda u dhowraan.