TALO KU SOCOTA BEESHA CAALAMKA EE DANEEYA ARIMAHA SOMALIYA IYO SOMALILAND

Somaliland iyo Somaliya waxay midoobeyn 1 July 1960 kii midowgana waxaa keenay reer Somaliland arintaasi waa mid la isku waafaqsan yahay,oo aan uu muran ka jirin. 18 May 1991 ayaa hadana dadka reer Somaliland la soo noqdeen xoriyadoodii arintana iyaga ayaa keli ku ahaa sidii ay midowgaba u geeyeen konfur ayey ula soo noqdeen oo ku soo celiyeen waqooyi xoriyadii dib ula soo noqdeen.

Arimahan ayaa la gudboon bulshada caalamka hadii ay rabaan in guul laga gaadho hashiis waara oo dhexmara Somaliland iyo Somaliya:

  1. Arinta ugu horeysaa waa in caalamku fahmaan in laba dal oo siman oo midoobey iney ahaayeen Somaliya iyo Somaliland sidaa darteedna wada hadal kastaa noqdo mid dhexmaraya laba dal oo mar midnimo ka dhaxaysey,oo ku kala baxay labada dhinac ee imika matalayaana siman yihiin iyada oo meel la iska dhigayo muranka.
  2. Waa in gartooda labad dhinacba loo dhageystaa oo loo qiimeeyaa si cadaalad ah oo aan madmodow ku jirin
  3. In Dhibtii xasuuqii, burburkii aan naxarista lahayn ee loo geestey Shacbiga Somaliland Meel la saaro,dadkii ka dambeeyeyna Sharciga la horkeeno
  4. In caalamku fahmo dadka reer Somaliland in ay ka go’an tahay oo go’aan shacab tahay la soo noqoshada gobanimadooda cid khasbi kartaana aaney jirin waliba lagu taageero oo gacan caalamku ka siiyo hadafka shacabka Somaliland.
  5. In Caalamku ogaado in isku daykasta oo cadaadis lagu saaro Somaliland iney dib ula midowdo Somaliya ay ka dhalandoonto dhibaato weyn oo nabada geeska iyo tan caalamkaba khatar gelineysa arintaasina loo baahan yahay in laga foojignaado.
  6. Dawlada federalka ah ee Somaliya waa in caalamku runta u sheegaa oo dhibaatada iyo faragelinta ay ku hayso Somaliland ay ka deysaa waxna laga qabtaa
  7. Somaliya iyo Somaliland waa in lagu wada hadalsiiyaa sidii ay nabadgelyo ugu wada noolaan lahaayeen,isku kaashan lahaayeen iyaga oo laba dal ah oo walaalo ah.
  8. Dawladaha caalanka qaarkood ayaa si aan maangal ahayn u raba in arinta somaliya iyo Somaliland lagu dhexgalo taasi waxay keenaysaa degenaansho la’aan iyo natiijo tabon oo ka dhigeysa in aaney Somaliya weligeed degin sidaa darteed waa in Somaliland iyo Somaliya mid walba si gaara loola macaamilaa oo ereyga odhanaya somaliya lama kala goonayo ee khiyaaliga ah meesha laga saaraa somaliya hore ayaa loo kala gooyey shan uga dhigteen kolkaa markey doonaan iyagu ha isku soo noqdaanee waa in faraha laga qaadaa arimahaasi waa kuwa keliya ee nabad iyo horumarka Somaliya dib ugu xalismidoonto.
  9. Arinta la gudboon dadka iyo dawladaha daneeya Somaliya Arimaheeda horta ha isku keeneen Koonfurtii Somaliya oo u kala fadhida dawlad goboleedyo kala furfuran oo aaney jirin wada shaqayn ka dhaxaysaa marka koonfuri mid noqoto ayaa Somalilandna wada hadalka rasmiga ah u furan yahay.