Ivanka Trump ayaa xaqiijisay in ay diiday qabashada xilka madaxa bangiga aduunka ka dib markii uu aabaheed u soo bandhigay .

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii Donald Trump uu u sheegay wargayska The Atlantic in uu gabadhiisa waydiiyay in ay doonayso xilka ugu sareeya ee Bangiga aduunka “sababtoo ah waxa ay ku wanaagsan tahay xisaabta “.ayuu yiri.
Markii la waydiiyay ayaa waxa uu sheegay madaxwayne Trump in ay u sheegtay”in ay ku faraxsan tahay shaqada ay imika hayso ee la taliyaha aqalka cad.
Ivanka Trump ayaa ku lug lahayd soo xulista madaxa bangiga aduunka oo
loo soo xulay dhaqaalayahanka u dhashay Mareykanka David Malpass.
Mrs Ivanka oo la hadashay wakaalada wararka ee AP xilli ay safar ku
joogtay Ivory Coast, ayaa waxay sheegtay in aabaheed uu u soo bandhigay
shaqadaasi “uuna su’aal ahaan u waydiiyay “, balse ay diiday
codsigaasi.
Waxa ay intaa ku dartay in Mr Malpass uu qaban karo “shaqo
wanaagsan”.
Mar wax laga waydiiyay in madaxwaynaha uu u soo bandhigay shaqooyiin kale oo muhim ah waxa ay ku jawaabtay “taasi waa mid sir ah oo inaga dhaxeysa aniga iyo isaga.
Wareysigii ugu dambeeyay ee uu bixiyay Mr Trump ayuu ku sheegay in dhowr
xil oo muhim ah oo uu ka mid yahay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada
Midoobay uu la damcay gabadhiisa sababtoo ah buu yiri “waxaan rumaysanahay
in ay leedahay dublamaasiyad dabiici ah”.
Ivanka Trump ayaa imika booqasho ku maraysa qaar ka mid ah dalalka qaarada
Afrika halkaasi oo ay u ololeynayso hormarinta dumarka.
Source:-BBCsomali
Faalo Kooban:
Waxaa aan ula jeedaa in aan ku iftiimiyo maqalkeygan kooban xigashada warkaa aniga oo is weydiinaya Hadii Madaxweyne Muuse Bixi uu inan ama Inanka mida Caruurtiisa u magacaabo xil sare sidii loo arki lahaa buuq ma ka dhalan lahaa ma cadaalad daraa? Mareykanka oo dalal Caalamka ee Dimuqraadiyayada hogaamiya ka mid ah ayaa madaxweynahoodu inantiisa xilal u soo jeedeyey waaweyn oo qarankaasi ah imikana haysa, inaguna muwaadin xaq u leh in xil loo magacaabo ayaanu reernimo iyo eexbaa loogu dhiibey ka dhamaan la nahay,oo waxaa aynu u xusul duubaynaa in siyaasada iyo qaybyaalada la isku milo, muwaadiniinta xaqooda lagu duudsiyo madaxweynaha ayaa dhaley ama adeer u ah iwm sidaa darted xil uma wakiilan karo,ogow muwadin kasta dalkiisa xaq buu u lee yahay madaxweynuhu xil u magacaabo dastuurka iyo sharciga dalka ayaana dhigaya waana xaq dastuuriya.
Waad Mahadsantihiin Dhamaan
You must be logged in to post a comment.