XIRSI IYO BUUGIISU WAY IS FASIRAYAAN!

Mudane Xirsi Xaaji Cali buugiisu waa mid ina baraya xirsi laf ahaantiisa,Qofka Adamiga ahina buug ku saabsan noloshiisa wuu qori karaa isagu waana laga qori karaa. Markaa waxba Kuma jabna in xirsi buug isaga noloshiisa ka hadlaya uu iska qoro,oo waa arin iska caadi ah. Balse Muhiimada waxay tahay fariinta uu buuga Xirsi ina soo gaadhsiinayo iyo ujeeda uu Mudane Xirsi ka leeyahay buugiisa.

Marka aan labada arimood dul istaago oo aan mid mid u eego sida ay ila muuqato aniga waxay ila tahay:

1- Xirsi waxaa uu ina barayaa shaqsiyadiisa iyo ninka uu yahay waayo?

Xirsi wuxuu kaga sheekeeyey buugiisa qaybo ka mida noloshiisii hore ilaa intii uu xilalka ka soo qabtey shirkado gaar loo lee yahay iyo dawladaba.Sida xirsi saaxada siyaasada Somaliland ku soo galey waa ku biiristiisii xisbiga Kulmiye,Kolkii xisbigu ku guuleystey doorashadana  Madaxweynihii 4aad ee Somaliland(Axmed Maxamed Siilaanyo) loo dhaariyey xilka Madaxweyne  Jamhuuriyada Somaliland,  ayaa uu Xirsi u magacaabey xilkan  Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada,31/7/2010 .Waxaa muran ka dhashay xilkan iyo awoodihiisa iyada oo dadka qaarkood u arkeyeen xil raysal wasaare(Prime Minister), balse July 2011, ayaa Wasiirka Madaxtooyada uu u magacaabey madaxweynihii xiligaasi(Axmed Siilaanyo).

Mudadaasi xilka uu hayey waxaa aan jecelahay in aan xuso labdan dhacdo:-

a) Mudane Xirsi waxaa aan xusuustaa bilowgii hawlihiisii madaxtooyada in lagu eedeyey in uu ka dambeyey xadhigii askari Police ka ka tirsan oo Ilaalinayey  Hotelka Ambassador 26/5/2011.

b) Waxaa kale oo Xirsi dacwad in dheer socotey la galey gabadh Somalilander ah oo uu ku eedeeyey in ay text fariin ah oo cay  uga soo dirty Mobile keeda,aniga oo ka cudurdaaranaya in aanan hada haynin magaceeda balse waa mid ku jirta xusuusteyda,in kasta oo dhacdooyinkaasi uu ku qorin buugiisa sida aan filayo hadii aanan ka boodin pages kaas markaan dul mareyey akhirska.

2- Xirsi wuxuu ina xusuusinayaa buugiisu mudadaa xilka uu hayey waxaa mar walba lagu xaman jirey in uu ka awood badan yahay wasiirada kale ama uu isagu isticmaalo awooda madaxweynaha si aan sharci ahayna ugu maamulo dalka,doodaha noocaas ahi waa kuwo dhegaha rayi caalamka ku batey qolo tidhaahda : “Dumar iyo Caruur baa dalka ka taliya” iyo kuwo yidhaahda: “Xirsi baa ka taliya oo Mudane Axmed Siilaanyo Waxa dalka ka socda waxba kama oga”. Arimahu sida ay doonanba ha ahaatee Xirsi Buugiisa Miyiga ilaa Madaxtooyo waxaa uu inoogu sheegay in madaxweyne Siilaanyo in mudo aad u yar markii uu xilka hayey uu damcay in uu iska dhiibo xilka sababta oo ah xusuustiisa oo hoos u dhacdey awgeed. Marka arimahaa la isku beego waxaa Jiri karta in wax uun ka jiraan hadaladaasi in kasta oo Alle(swt) uun og yahay xaqiiqada oo aanan anigu cadeyn Karin sida ay wax uga jiraan balse taasi u taalo isaga iyo cidii xilkaas inooga masuulka ahayd. Waxaa aan aaminsan ahay in mudane Axmed Siilaanyo uu yahay halyey Qaran oo mudan in lagu xuso wixii uu dalkiisa iyo dalkiisa u qabtey oo ka misaan badan wax kasta oo tabasho yar yar ah ama khalad Adami ah waxaa ka weyn waxa uu dalkan u qabtey Axmed Siilaanyo taariikhduna way xusi doontaa isaga iyo inta la mid ka ahba.

Xirsi ama aqoon ha ka ahaato ama ha u badheedhee wuxuu ku  xad gudbey dhawrsanaanta  xogta  Xaas xaasiga ah(Sensitive  data). ee sharcigu ilaaliyey taas oo noqoneysa mid shaqsi ah  iyo mid qaran oo ay waajib ku ahayd in uu ilaaliyo.

Tusaale waxa inoogu filan dhowr arimood oo uu buugiisa ku qorey oo kala ah:

i- In Madaxweyne Axmed siilaanyo Marwadiisu ugu yeedhay arin ku saabsan Madaxweynaha oo ay xusuustiisii hoos u dhacdey oo soo jeediyey inuu is casilo.Arintaasi waa arin sira oo loo baahnaa in uu xafido waayo sharciga islamka iyo sharuucda kale ee Adamigu Sameystey midna ma ogola in wixii sir shaqsi ama mid Qaran midna la faafiyo sida aan anigu qabo. Arintan Jiritaankeeda ama Jiritaan la’aanteedu waa mid kale oo anigu ma odhanayo sidaa uu Xirsi sheegay baa run ah ama been ah balse waxaa ka hadlayaa in arintaasi uu xirsi inala wadaagey khald tahay oo aaney ahayn in uu wakhtigan Meesha keeno,iila muuqato in uu ku xadgudbey Qodobka 12 ee Xuquuqda Adamaha oo u dhigan sidan:

Article 12.
No one shall be subjected to arbitrary interference with his privacy, family, home or correspondence, nor to attacks upon his honour and reputation. Everyone has the right to the protection of the law against such interference or attacks.

ii- Waxaa uu ku  xad gudbey ilaalinta sirta qaranka Somaliland sababta oo ah wuxuu soo bandhigay xog ku saabsan arin nabadgelya qaranka la xidhiidha taas oo ahayd xog uu siyey taliyihii ciidamada qaranka ee wakhtigaasi mar jahbada ONLF dagaalyahano ka tirsani si qarsoodi ah iyaga oo hubeysan ka soo Degen xeebaha galbeed ee Somaliland. Ugu yaraan labadaa qodoba waa kuwo aan buugaa ku habooneyn wakhtigan xaadirka ah waayo ma aha arimo taariikheed ee waa arimo hada taagan oo mudo aan xitaa dhameyn 10 sano dhacdo aan gaadhin oo weli qoyan.Dhalina karta in arimahan oo kali lagu dhiirado sideedaba arimaha khuseeya amaanka qaran dal kastaba waa u xaasxaasi oo wey xafidan yihiin gacmo amina uun bay ku jiraan balse xirsi halkuu ka marey isaga oo weliba hada ah hogaamiye xisbi qaran ma garan karo.Saaxiibkey Xirsi Xaaji Cali waxaa aan ugu nasteexeyn lahaa NIN HABARI DHASHAY HAL MASEEGI WAAYEE  waxaa haboon in aad xaal ka bixiso labdaa qodoba cafisna weydiisato Qaranka iyo shaqsiyaadka aad ku gaftey sidey Aniga ila tahay.