Aniga rayigeyga Waxaa iiga baxay Jawaabta Gudoomiye Ciro ee ku saabsan in xidhiidh ka dhexeeyo isaga iyo Mudane Caare in ay tahay mid muujineysa in uu ku faraxsan yahay in Caare qori qaato oo uu dalkiisa ku caasiyoobo waayo, Markii la waydiiyo in xidhiidh ka dhexeeyo:
a) Waxaa uu yidhi ” Hadii aan la lahay isku reer baa tihiin, hadii taa la yidhaahdona ciidamada qaranka oo dhami reero ayey noqonayaan”
b) Markii Arinta xalkeeda la weydiiyey wuxuu ku jawaabey oo uu yidhi: “Xalku waxaa uu ku Haboonaa markii xalku intan ka fududaa……..” Xalkeedana waxaa uu dusha ka saarey Xukuumada iyo Ciidamada Qaranka, Xukuumada ama guud ahaan dawlada waa run oo xalka waa waajibkeeda oo waa arin ka mida waajibaadkeeda. Balse ciidanka Qaranka oo waajibkiisu yahay Difaaca,nabadgelya,ilaalinta iyo u gurmashada arimaha kadiska ah ee masiibooyinka qaranka, waajibkoodu ma aha in ay Caare la xaalaan balse waa in ay ku daraan liiska askarta ka fakatey ciidamada ee la baxsadey hubkii iyo saanadii ciidamada qaranka,weliba ku soo wajahan in uu burburiyo qaranimada Somaliland, Waxaa kaliya oo ciidamada qaranku arinta Caare ciidan ahaan ku xalili lahaayeen hadii isaga oo ka mid ah ciidanka uu wixii uu tabanayo u soo gudbiyo ciidamada qaranka iyo madaxdooda sare,balse arinkaasi ma taagna imika ee waajibkoodu waa in ay ka difaacaan qaranka Caare iyo kuwa la mida.
Gudoomiye Cirona hadii uu yahay Siyaasi Somalilander dhaba oo ay dhibeyso dhibaatda Dalkiisa iyo dadkiisa wuxuu dadaal ka geli lahaa arinta Caare oo isaga ayaa dhameyn lahaa oo soo afjari lahaa intuu Caare u tago ama Gudi u saaro ayuu soo xero gelin lahaa Shacabka Somalilandna Sharaf iyo Bilad geesi buu ka heli lahaa balse ma garanayo cida uu ku haleenayo ee uu ka sugayo xalka hadii aanu ku faraxsaney ficilka Caare xitaa Cambaareyna ka ma maqal ku saabsan falka uu caare ku kacay.